Xasan Sheikh & Odayaasha Hiiraan oo heshiiyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne waxaa maanta ka dhacay banaanbax ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maalmo ka hor ku dhawaaqay in shirka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka furmayo magaalada Jowhar.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo kasoo jeeda magaalada Beledweyne ayaa si weyn kaga soo horjeeda in shirka lagu qabto magaalada Jowhar caasimadana laga dhigo magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Waxgaradka kasoo jeeda Beesha Xawaadle oo ka hadlay banaanbaxa ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku qadiyay maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyaga oo ka baqaya iney sii waayaan madaxweynaha maamulkaasi.

Dhinaca kale kulamo la isku fahmay ayaa maanta ka dhacay  Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo u dhaxeeyo wafdiga madaxweynaha Soomaaliya iyo waxgaradka Beesha Xawaadle.

Wararka aan ka heleyno natiijada shirka kasoo baxday ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka Xawaadle lagu qanciyay in lasiinayo xilka madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com