Sawirro: Claudio Graziano oo markii u horeysay Muqdisho soo gaaray & kulan xasaasi oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soo gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha Guud ee Milliteriga Talyaaniga Major General Claudio Graziono iyo Saraakiil kale oo ka tirsanaa Wasaarada Gaashaandhiga Talyaaniga.

Major General Claudio Graziono iyo Wafdigii Saraakiisha ka koobnaa ee uu hogaaminaayay ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali oo ay kawada hadleen miisaanka uu leeyahay xiriirka labada dal, dhismaha Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo waliba mashaariic ay Dowlada Talyaaniga ka hirgalin doonto gudaha Somalia.

Waxaa sidoo kale Ra’isul wasaare Cumar kulankaasi ku wehlinaayay Ra’isul wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka.

Sidoo kale Taliyaha Guud ee Milliteriga Talyaaniga Major General Claudio Graziono waxa uu kulan kaasi lamid ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somalia C/qaadir Diini, Taliyayaasha Ciidamada Militeriga oo uu ugu horeeyo Abaanduulaha Ciidamada Qalabka sida waxa ayna kulankooda ku lafa-gureen xiriirka labada wasaarad, Heerka tababar ee ciidamada Qalabka sida iyo kaalinta Dowlada Talyaaniga ay ku leedahay kobcinta ciidamada iyo taabagalintooda.

Wasiir Diini iyo Abaanduulaha ayaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Talyaaniga Major General Claudio Graziono ka dalbaday inay laba jibaaran howlaha ay ku garabtaagan yihiin ciidamada Qaranka gaar ahaan kuwa xooga dalka.

Claudio Graziano ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyey magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay Dowladda Talyaaniga garab taagan yihiin Dowladda Federalka, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan Tababarada iyo Qalabaynta Ciiddanka iyo Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.
it1

it2

it3

it4

it5

it6

it7