Gobolka Bari oo arrin halis ah ay ka billlaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dilaaceen Kooxo qowleysato ah oo boob iyo dhac ku haya guryaha iyo goobaha ganacsiga.

Yuusuf Maxa’ed Aweys Dhado oo ah Gudoomiyaha Gobolka Bari, ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada amaanka ay qabteen kiisas aad u badan oo la xiriira falalka kusoo kordhay Deegaanada Gobolka, waxa uuna tilmaamay in falkaasi ay geystaan dhalinyaro aan la garaneynin waxa ay yihiin.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in dhalinyarada falkaani cusub bilaabay ay ku hubeysan yihiin Bastoolado waxa uuna farta ku goday in dhacdooyinkaani ay yihiin kuwo si xooli ah iminka uga socda Gobolka, waxa uuna dadka deegaanka kaga digay inay taageero u muujiyaan dadka ceynkaasi ah.

Dhado waxa uu sheegay in Magaalada ay kusoo kordhayaan Falal ku cusub, oo ah in Habeenkii Shacabka lagu dhaco, laguna farxumeeyo Gabdhaha Ardayda islamarkaana loo dhaco guryaha iyo goobaha ganacsiga ah.

Ciidanka Booliska Boosaaso ayuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen wax kaqabashada Dhibaatooyinka amni darro ee ka dhacaya Magaalada, iyadoo dadka dhibaatada wadana ay yihiin dhalinyaro is aruursatay oo deegaanka ah.

Taliyaha Booliska iyo Saraakiisha amaanka Gobolka Bari ayuu ugu baaqay in howshooda ay si hufan u gutaan waxa uuna kaga digay inay kusii adkeystaan habacsanaanta amni.

Haddalka Dhado ayaa kusoo beegmaya xili Kooxahaasi ay dhac iyo boob saacado yar un ka hor ka geysteen suuqa weyn ee Gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com