Xog: Axmed Madoobe iyo macallin Maxamed oo kulmay iskuna raacay inay bixiyaan $20,000 oo…

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubbaland ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo sida xogta aan ku helnay looga hadlay shaqaaqooyinkii ka dhacay Kismaayo iyo waxyeeladii ka dhalatay.

Kulanka gaar ah ee dhexmaray Axmed Maxamed Islaam madoobe iyo Macalin Maxamed wasiirka arimaha bulshada ayaa ka dambeeyay kadib markii askarta dhawaan dilka ka geystay magaalada Kismaayo la sheegey iney ku heyb ay noqdeen wasiirka.

Kulan dheer kadib madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa uu Macallin Maxamed ku wareejiyay Magta sarkaalkii ku dhintay howlgalkii 3-bishaan ay Ciidamada Booliska ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo ku sugnaa boos uu muran ka taagnaa taasoo dhan $20,000 (Labaatan kun oo dollar) iyo labo kun dollar oo Odayaasha Beesha lagu xaalmarinayo.

Macalin Maxamed ayaa la filayaa inuu Beeshiisa ka dhaadhiciyo inay ka tanaasulaan fikirkoodii hore ee la xiriira shaqaadii uu ninka ku dhintay.

Waxaa caadi ku soo laabtay howlihii iyo dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee magaalada Kismaayo, waxaana la arkayaa xarumaha Maamulka oo shaqeynaya.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com