Xog: SOMALIA oo loo soo wado ciidamo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ugandha ayaa baahisay in dhawaan magaalada Muqdisho loo daadgureyn doono ciidamo farabadan kuwaasi oo tababar loogu soo xiray xero ciidan oo ku taalla Ugandha.

Ciidamadaani oo ay hogaamin doonaan Saraakiil Mareykan ah ayaa waxaa loo carbiyay Toogashada, ka hortaga Miinooyinka iyo qaabka loo furfuro, kuwaasi oo si guud uga howlgali doona Somalia, balse xoogooda leysugu geyn doono Gobolada dalka.

Ciidamadaani oo iminka agabkooda xirxirtay ayaa waxaa tababarka usoo xiray Saraakiil ka tirsan Mariniska Maraykanka kaasi oo socday muddo laba bilood ah.

Xerada uu tababarka ka socday ayaa waxaa lagu magacaabaa Singo waxa ayna ku taalla duleedka magaalada Kambala.

Sidoo kale, Ciidamadaani ayaa kusoo biiri doona Hawlgalka AMISOM, si ay uga taageeraan ka hortaga Khataraha Miinooyinka oo ay inta badan waxyeello ka soo gaaraan Gaadiidka iyo Ciiddanka AMISOM.

Dhanka kale, Saraakiisha hogaamin doonta Ciidamadaasi ayaa sheegay in Ciidamadaani cusub ay waxbadan ka duwanaan doonaan kuwa iminka ka howlgalada dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com