Boorsaani oo ka carooday arrin ka taagan Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay xernaaanshaha waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho una xiran shaqsiyaad gaar ah.

Gudoomiye Yuusuf Xuseen, ayaa si gaar ah kaga carooday xernaanshaha waddooyinka gala degmada Wadajir ee gobolka banaadir oo qasabtay in ciriiri ay la kulmaan shacabka degmadaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in degmadaasi ay noqotay mid go’doon ah maadaama ay ka xiran yihiin waddooyin badan oo shacabka adeegsan jireen, taasi oo ka careysiisay.

Gudoomiyaha wuxuu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furi doono waddooyinka u xiran shaqsiyaadka gaar ah, si looga faa’ideeyo shacabka degmada ku nool.

“Waddooyinka qaar ee u xiran shaqsiyaadka gaar ah waxay noqon doonaan kuwo aan sii xirnaan doonin, hadda eeg Madiino go’’doon ayay gashay mana loo dul qaadan doono arintaasi”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sidan oo kale wuxuu isku dayay inuu furo waddooyin u xiran shaqsiyaad gaar ah, taasi oo sii kordhisay cadaawadiisii.

Hadalkaan ayuu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay Kulan loogu hadlaayay sidii loo furi lahaa loona dayactiri lahaa Wadada ka bilaabaneysa Iskooska Soobe ilaa dan wadaagaha ee Degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com