Shariif Xasan oo xujo hordhigay beesha Ogaden

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa caqabad kala kulmay madaxweynaha maamulka koofur Galbeed, waxayna dhankooda bilaabeen iney xujo ku noqdaan maamulka Shariif Xasan Sheikh.

Xildhibaan Sanyare iyo Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen, oo si wadaji ah saxaafada ula hadlay iyaga oo ku sugan degmada Ceelbarde ayaa sheegay iney maamul gaar ah u sameynayaan degmooyinka Yeed, Aato iyo Ceeldarde oo ka tirsan gobolka Bakool.

Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen, ayaa sheegay in maalmo ka dib ay ku dhawaaqi doonaan maamul gaar ah oo seddexdaasi degmo ay yeeshaan kuwaasi oo si toos ah u hoos imaanaya dowlada Soomaaliya kana madax banaan maamulka Shariif Xasan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maamulka Shariif Xasan ay horey ugu gudbiyeen in saamigooda laga siiyo xildhibaanada baarlamaanka laakiin lagu xujeeyay in Axmed Madoobe baarlamaankiisa la kala diro, sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan C/Wahaab.

“Markii aan in badan la hadalnay Shariif Xasan wuxuu noogu jawaabay iney dadka Yeed, Aato iyo Ceelbarde culeeska ka qaadi doonaan marka maamulka Jubbaland la kala diro, laakiin waxay nagu noqotay arin la yaableh”ayuu yiri xildhibaan C/Wahaab Ugaas.

Xiisada dhanka xildhibaanada ayaa kasoo bilaabatay markii baarlamaanka Jubbaland Sharci daro ka dhigeen xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, walow Axmed Madoobe uusan u joogsan ga’aankii ay xildhibaanada dowlada Soomaaliya Qaateen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com