Wasiiro iyo taliyayaal ciidan oo fadeexad sharaf dhac u ah dowladda SOOMAALIYA lagu helay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xafiisyada xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Hanti-dhowrka ayaa sheegaya in labadaasi mas’uul ay wadaan baaritaano ka dhan ah Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia.

Baaritaanka ayaa la soo warinayaa inuu la xiriiro kiisas lagu helay wasiirada qaar, kadib markii la ogaaday in tirro wasiiro ah ay dhaqaale ku qaatan magacyada shaqaale ka tirsanaa wasaaradahooda oo geeriyooday iyo kuwa iskooda uga tagay shaqada.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu xaqiijiya in wasiirada qaar ay lacagta shaqaalaha dhintay iyo kuwa ka tagay shaqadooda ay ku dhacdo jeebkooda, waxaana jiro warar sheegaya in wasiirada qaar ay inkireen, balse lagu helay cadeemo.

Kiisaskaasi ayaa waxaa qeyb ka noqday Taliyayaal ciidan kuwaasi oo qaarkood jartay mushaaraadkii loo qoray Xaasaska iyo Carruurta ay ka geeriyooden Saraakiisha iyo Ciidamada.

Xaqiijinta musuq-maasuqyada Wasiirada iyo Taliyayaasha ayaa waxaa ka qeybqaatay Guddi uu dhawaan Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid u xil saaray kormeerida xarumaha Dowlada iyo ogaanshiyaha qaababka lagu bixiyo lacagaha, hayeeshee waxa uu Gudigaasi ka turxan bixiyay dhibaatada ay Wasiirada iyo Taliyayaasha laamaha amaanka ku hayaan shaqaalaha.

Kiisaska ay gudigaasi soo bandhigeen ayaa waxaa kamid ahaa in Taliyayaasha Hay’adaha amaanka qaarkood aysan bixin mushaaraadka Ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay arrintaani ay walaac gaar ah ku abuurtay xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Hanti-dhowrka oo iyagu ku jahwareersan heerka uu musuqa ka gaaray dalka iyo sida dhibaatada loogu hayo shaqaalaha Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com