Xog: Xasan Sheikh oo markii ugu horeysay amar dul dhigay taliyaha ciidamada dalka Jabuuti ee..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo booqaday magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu halkaasi kulan ku la qaatay Taliyataha Ciidamada AMISOM, gaar ahaan garabka Jabuuti Korneyl Cismaan Dubad.

Madaxweynaha dalka iyo Dubad ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaalada Gobolka Hiiraan iyo qalalaasihii dhawaan ka dhacay, waxa uuna Xassan Taliyaha amar kusiiyay in dadka qaswadayaasha laga qabto maamulka.

Xassan Sheekh ayaa Taliye Dubad iyo Saraakiil ku wehlineysay kulanka u sheegay in DFS marnaba aysan raali ka noqon doonin in xiligaani la carqaladeeyo amaanka iyo xasiloonida Gobolka Hiiraan waxa uuna ku booriyay in cidii ay uga shakiyaan sameynta foodo ama qalqal galinta amaanka ay xiraan kadibna ay usoo gudbiyaan Xamar.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Taliyaha iyo Saraakiisha u sheegay in Ciidamada AMISOM garabka Jabuuti ay ula mid yihiin Ciidamada Dowlada, sidaa awgeedna looga baahan yahay inay kasoo dhalaalaan xaqiijinta amaanka Gobolka.

Xili kala guur ayuu Xassan sheegay in Somalia ay kusoo wajahan tahay, loona baahan yahay in Ciidamada Jabuuti ee walaalaha ah waxbadan ka bedelaan carqaladaha ka taagan Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Dalka Jabuuti ee jooga Gobolka Hiiraan Korneyl Cismaan Dubad, ayaa ballanqaaday in Ciidamada ay wacyi galin u sameyn doonaan shacabka iyo Ciidamada taabacsan Dowlada Somalia si ay u ilaalsadaan xasiloonida Gobolka.

Dhinaca kale, Dubad waxa uu soo dhaweeyay tallada madaxweyne Xassan isaga oo dhankiisa ka sheegay in habeen iyo dharaar ay usoo jeedan sida Somalia ay uga bixi laheyd dhibta heysata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com