28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sheekh oo baajinaya doorashada 2016ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wado qorshe uu ku fashilinaayo in doorasho ay Somalia ka dhacdo 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa la tilmaamayaa inuu isku uruurinaayo Odayaashii soo xulay BF Somalia, kuwaasi oo uu kala arinsanaayo in Xildhibaanada matala ay u sheegan in la taageero go’aanada ku saabsan in Hiigsiga Cusub dib loo dhigo maadaama ay DF Somalia heysan wakhti ku filan oo ay ku sameyn karto Doorasho madax-banaan.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in arrintaani uu u xil saaray gudi ka tirsan Madaxtooyada oo isku uruurinaayo Odayaasha, iyadoona la filaayo inuu kala hadlo Arrimaha ku xeen-daaban Siyaasadaha wakhti kororsiga Dowladiisa iyo in laga cadaadiyo Xildhibaanada.

Waxa ay tani ka dambeysay kadib markii Xildhibaanada ay dhowr jeer ku adkeysteen go’aan ah in DF Somalia aysan la imaankarin hami ay ku siyaadsaneyso wakhtiga.

Waxaan la Ogeyn go’aanka uu Madaxweyne Xassan kala kulmi doono Odayaasha lafdhabarka u ah dhismaha BF, inkastoo arrintaani ay u muuqaneyso mid aysan wax ka bedeli karin Odayaasha, maadaama ay Beesha Caalamka faraha kula jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News