Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubba ay magaalada ka baadi goobayaan gaari waxyaabaha qarxa uu ku xiran yahay.
Ciidamada maamulka Jubba ayaa la sheegayaa iney heleen xog ku saabsan in magaalada uu ku jiro gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo la doonayo in qarax lagu geysto.
Waxaa la xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ciidamada ay ka sameynayaanbaaritaan la doonayo in gaarigaasi lagu soo qabto.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa lagu amray iney la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga guuleysto soo qabashada gaarigaasi waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin.
Howlgalka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
La ma oga halka ciidamada ay kasoo heli doonaan gaariga waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

