Xog: Xasan & CCC oo shir albaabada u xiran yihiin ku leh VILLA SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka kala tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa goor dhow inoo xaqiijiyay in kulan uu albaabada u xiran yahay uu xiligaani Villa Somalia uga socdo Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid.

Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in Kulanka uu yahay mid ku saleysan Arrimaha Xukuumada cusub, waxaana la soo sheegayaa in R/W CCC Sharmaarke ay madaxweynaha isla fiirinayan Liiska ay ku diyaarsan yihiin Wasiirada cusub iyo ku-xigeenadooda.

Sidoo kale, ilo wareedka ayaa intaa kusii daray in kulanka uu yahay mid xafiiska dhexda laga soo xirta, balse qadar 45 daqiiqo kadib ayaa waxaa kulankaasi ku biiray Mas’uuliyiin ay kamid ahaayen la taliyaha madaxweyne Xassan u qaabilsan dhanka Siyaasada C/kariin Guulleed iyo Faarax c/qaadir oo isaguna awood Siyaasadeed ku dhex leh Villa Somalia.

Afartaasi mas’uul ayaa waxa ay isla meel dhigayaan qaabka loo kala shandheyn lahaa Wasiirada cusub iyo sida ay u kala mudan yihiin xilalka loo kala magacaabi doono, inkastoo warar hoose ay shegayaan in Liiskaasi laga saari doono siyaasiyiin ay Damjadiid u arkaan inay yihiin kuwa aan maslaxo u aheyn Siyaasadooda.

Dhanka kale, R/W CCC Sharmaarka oo isagu wata Liis ay ka buuxan shaqsiyaadka loo magacaabi lahaa Wasiirada cusub ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin uusan xiligaani ku qanacsaneyn balse lagu cadaadinaayo inuu shaqo la wadaago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com