Xildhibaan ka digay arrin qatar ah oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulaahi Gees oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa waxa uu sheegay in suuragal ay tahay in dhibaatooyin qabiil uu ka dhasho maamulada loo dhisayo gobalada dalka.

Xildhibaanka Waxa uu tilmaamay in Maamuladaasi uu ka dhalan karo dagaalo u dhigma kuwii ka dhacay dalka dhowrkii sano ee laga soo talaabay waxa uuna sheegay inay keeni karto isku dhac dhanka shacabka ah iyo sidoo kale in dadkii lasii kala gooyo.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdulaahi Gees waxa uu sheegay in loo baahan yahay in leysu keeno Somalia oo idil, muhiimaduna ay tahay in laga fiirsado wax waliba oo kala fogeynkaro Ummada Soomaaliyeed.
Gees oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaa la rabaa dalka Somalia in la’isku keeno, nin walba oo hogaanka qabto waa inuu ku taamaa inuu ka shaqeynayo Somalia oo dhan, waxyaabaha hadda la sameynayo ma ahan wax ay ku jirto danta Somalia”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ”Waxaa ka mid ah dadka kasoo horjeeda maamul gobaleedya, Federaalka iyo Xuduudaha ayaan uljeedka aan uga soo horjeedo waxay tahay Soodimaha waxbaa ka dambeeya, dad wada dhashay baan nahay, dad gabigood walaalo ah ayaan nahay, dhibaatooyinka naloo maleegay ayaa keentay in sidaan naloo qeybiyo”

Waxa uu ku baaqay in DF Somalia ay waxbadan ka bedesho waxyaabaha ku aadan kala qeybqeybinta dalka, taasi oo uu ula jeedo in dalka laga hirgaliyo Maamulo aan is ictiraafsaneyn, waxa uuna ku taliyay in laga wadashaqeeyo sida meeshana looga saari lahaa maamulo iyo kala qeybin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com