Walaac soo food saaray Xasan Sheekh & Jawaari oo sheegay in 71 xildhibaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa tibaaxaya in kulan uu halkaasi ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha BF Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Labada Mas’uul ayaa waxa ay kulankooda uga hadleen laba arrin oo kala ah ansixinta Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia, Caqabadaha Madaxweynaha xiligaani ka heysta dhanka BF Somalia oo iyagu qaarkood ku gacanseeray axdi uu la galay Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Jawaari usoo bandhigay inay jiraan Xildhibaano diidsan dhismaha Xukuumada Cusub oo iyagu ka dhowr sugaaya fulinta axdi uu ka qaaday, taasina aysan aheyn mid hirgaleyso maadaama Xildhibaanadu ay farabadan yihiin, hadana xilalka Wasiirnimo iyo ku-xigeen ay cayiman yihiin oo aysan suuragal aheyn in lagu safo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waxa uu arrinkaani hor dhigay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay kuwada kulmeen Madaxtooyada xili halkaasi ay ku sugnaayen Madax farabadan, waxa uuna ugu baaqay in arrintaani uu kasoo talo bixiyo si loo qaado talaabo looga bad-baadi karo Xildhibaanada.

Dhanka kale, Gudoomiye Jawaari ayaa Madaxweynaha u sheegay inay jiraan Xildhibaano wada abaabul kuwaasi oo lagu soo wargaliyay laba maalin kahor, waxa uuna Xassan u sheegay in xildhibaanadaasi ay kor u dhaafayaan ilaa 71-Xildhibaano una badan garabkii waday Mooshinka, waxaana kuwaas sii dheer kuwii diidanaa mooshinka.

Jawaari waxa uu Madaxweynaha ku qanciyay inuu sameyn doono dadaalo uu ku fashilinaayo is hortaaga suuragal ah in lagu sameeyo Ansixinta R/W CCC Sharmaarke, haddii uu taasi ku fashilmana uu dib ula soo socodsiin doono muddo Seddex maalin gudaheeda.

Arrinkaani ayaa waxa uu imaanayaa xili R/W CCC lagu wado in la horgeeyo Xildhibaanada BF Somalia oo iyagu qaarkood u careysan Madaxweynaha dalka, waxaana suuragal ah inay isku baheystaan islamarkaana diidmo muujiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com