GABAR Soomaali ah oo 2 toddobaad la aasi la’ yahay, 1 sabab oo jirta darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar 18 sano jir ah ayaa dhimatay kadib markii ay kasoo dhacday dabaq shan biyaano ah oo ku yaala magaalada Marsascala ee jazeerada Malta, ayaanan wali la aasin markii aad looga naxay dhacdadaasi, sida ay shaaciyeen ururka warbaahinta Africa ee dalka Malta.

Gudon Cabdulaahi Xasan, ayaa geeriyootay bishan December 6 deedii kadib markii ay kasoo dhacday dabaq shan biyaano ah, waxayna ku geeriyootay xarun caafimaad oo markii hore dhaawac ahaan loo geeyay.

Booliska Jazeerada Malta ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay in gabadha ay dabaqa iska tuurto iyo dadka ka dambeeyay, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay.

Gabadha 18 jirka ah ayaa gaartay Malta bishii August 2013 iyadoo la socotay tahriibayaal gaaraya 125 ruux, kadib markii muddo afar maalin ah ay badda kusii jireen.

Gabadha ayaa sidoo kale la sheegay in lagu xeray xabsi ku yaala jazeerada oo ay xerneyd muddo hal sano ah.

Waxay markii dambe bilowday inay ku noolaato magaalada Marsascala oo ah magaalo yar oo xeeb leh, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay inay dabaqa iska tuurto.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu sameynayo sababta arintaasi kaliftay, waxaana la su’aalayaa dadkii gabadha la degenaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com