Puntland oo isku dayeysa in saameyn ay ku yeelatao golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa isku dayaya inuu saameyn ku yeesho golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu dhowaan soo dhiso ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maamulka Cabdi Weli Gaas uu fursad u arko magacaabista Cumar Cabdirashiid, oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaas, uuna doonayo inuu ka faa’iideysto.

Xogta waxa ay sheegeysaa in maamulkaas uu xiriir lasoo sameeyey Cumar Cabdirashiid kana codsaday in xubnaha wasiirada oo ay helayaan beelaha deegaanadaas, ay yaga soo xulaan islamarkaana Cumar uu magacaabo kaliya.

Waxaa sidoo kale la sheegay in maamulkaas uu codsaday wasaarado gaar ah oo ay si aad ah u doonayaan, sida wasaaradda waxbarashada, iyo midda macdanta iyo shidaalka.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo aan weli baarlamanaka ansixin ayaa la sheegay inuu maamulka Puntland u sheegay in taasi laga yaabo in khilafa deg deg ah ay ka dhex dhaliso isaga iyo madaxweynaha.

Si katsaba, wararku waxa ay sheegayaan inuusan gebi ahaanba diidin codsiga Puntland, hase yeeshee ay ku xirnaan doonto inuu ansixin ka helo baarlamanka federaalka ah marka hore, kadibna uu xaaladda qiimeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com