“SOMALIA 5 Madaxweyne ayaa ka jirta kuwa kalane wey soo socdaan, XASAN kuwaas haka hadlo” Sidaa waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng: Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay heshiiskii shalay ka dhacay Magaalada Jabuuti oo u dhexeeyay DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Heshiiska oo ka koobnaa ilaa iyo 6-Qodob ayuu sheegay Feysal Cali Waraabe inuu soo dhaweynayo, isagoona hadalkiisa intaasi ku daray inay tahay talaabo horay loo qaaday.

Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in DF Somalia ay maamulka Somaliland ku qanciso midnimada, ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Somalia looga baahan yahay inay dalkeeda ka saarto Ciidamada shisheeye ee daaraha ka dhistay goobaha ugu muhiimsan dalka sida Jazeera, kadib ay usoo hanqal taagto umuuraha kale ee ku aadan Amaankeeda.

Waxa uu sheegay in looga baahan yahay Dowlada Somalia inay maskaxdeeda ka saarto in Somaliland ay dib uga soo laabato gooni isu taageeda, isagoona Madaxda dalka ugu baaqay inay ka waantooban faragalinta ay ku hayan hantida Qaranka, dayacaada shacabka dhibaateysan, waxa uuna Tilmaamay inay diyaar u yihiin inay usoo gurmadaan Somalia, sida uu hadalka u dhigay Eng Feysal Cali waraabe.

Isaga oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Somalia teeda haka shaqeyso yeysan niyada galin in Somaliland ay la midowdo, waayo Somalia waxaa ku sugan dhowr kun oo Ciidamo ajaanib ah, xeebaha waxaa dowlado ka sameystay gaalo, kuwaas marka hore ha iska dulqaadan, maadama ay iyada dayacan tahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Somalia iyada ayan maaro isku heyn oo waxaa ka dhex jira Shan Madaxweyne kuwa kalane wey soo socdaan yeysan ku mashquulin Somaliland, anaga waxan lamidnahay Dowlada Jabuuti oo Somalia ka go’day”

Feysal Cali waxa uu DF Somalia uga digay inay kusii fogaato dayacida Shacabka Soomaaliyeed ee dhowr sano u tabaaleysan Nabada iyo kala dambeynta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com