Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri suuro-galnimada midowga Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay suuragalnimada in Somalia la mideeyo, ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadka cusub ee 2015-ka lagu guuleysto.

Waxa uu sheegay in xiligaani ay u muuqato Ifafaalooyin muujineysa in Maamulka Somaliland ay u hogaansamato la midoobida Somalia inteeda kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in dalka Somalia uu dhismaayo oo uu ku tilaabsanaayo horumaro wanaagsan, islamarkaana sanadka cusub uu rajeynaayo in la arko Soomaali oo midoowday iyo Somaliland oo kasoo laabata mabda’ooda ku aadan gooni isu taaga.

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyadoo Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa heshiis kooban maalinimadii shalay magalada Jabuuti kula gashay Maamulka Soomaaliland, heshiiskaasi oo qayb ka ah waxyaabaha ay isugu soo dhawaanayaan dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland.

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaad 20 sano waxa ay baadi goob ugu jirtaa sidii ay ku heli laheyd Ictiraaf ku aadan dowlad madaxbanaan, inkastoo weli aysan helin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com