24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

Xasan oo ka laabtay qorshihii ahaa in Faarax…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo xiligaani ku jira Jahwareer Siyaasadeed ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday in Xildhibaan Faarax uu usoo bandhigo caqabadaha ka heysta dhanka Beelaha dega Gobolka Hiiraan ee ku aadan in Faarax uu Madaxweyne ka noqdo maamulka cusub ee la filaayo in dhawaan loo dhiso Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xassan ayaa lasoo warinayaa in Faarax uu usheegay inay adag tahay inuu noqdo Madaxweynaha maamulka loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna u sheegay in beelaha Goboladaasi daga ay si cad uga hor imaaden in Faarax C/qaadir uu lugaha lasoo galo Siyaasada labada Gobol maamulka loogu dhisaayo.

Xassan waxa uu sidoo kale Faarax C/qaadir u cadeeyay in muddo intaa kasii badan uusan awoodin in Beelaha Dega labada Gobol uu ku cadaadiyo inuu Madaxweyne u noqdo, waxa uuna usoo bandhigay inuu ka tanaasulo aragtidiisa ku aadan inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Cusub.

Madaxweyne Xassan ayaa si ganbasho la’aan ah Faarax ugu sheegay in Odayaasha gaar ahaan kuwa Hiiraan ay ku goodiyeen in Dagaal aan dhamaan ay kusoo dhaweyn doonaan Faarax C/qaadir, sababo la xiriira diidmada Siyaasadiisa oo cagaha lasii galeyso ilaa iyo Dowlada Ethiopia.

Faarax C/qaadir oo aad uga xun talada Xassan Sheekh ee ah inuu ka tanaasulo hamiga inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka cusub, waxa uuna Faarax kuwar galiyay Xassan inay ku adag tahay inuu ka tanaasulo rabitaankiisa, isaga oo codsaday in wakhti lasiiyo si uu uga soo tashto.

Faarax C/qaadir ayaa iminka lagu wadaa in go’aanka Xassan Sheekh uu kala tashto Gen. Gebra oo ah ninka ugu awooda badan Dowlada Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka go’do talada.

Si kastaba ha ahaatee, Faarax C/qaadir ayaa waxaa lagu tilmaamaa in xiriir fog uu la leeyahay Dowlada Ethiopia oo kasoo horjeeda xasiloonida iyo Horumarka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News