31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xog cusub: Xasan Sheikh oo wada qorshe cusub oo uu uga faa’iideysanaayo wakhtiga u harsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xassan uu wado qorsho miisaan leh oo uu uga faa’iideysanaayo mudada harsan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynuhu uu sameyn doono magacaabis iyo xil ka qaadis ka hor inta aysan dhicin doorashada, waxa ayna xogtu tilmaameysaa in xubnaha la magacaabi doono ay u badnaan doonaan Agaasimayaal, Danjirayaal iyo Taliyayaal cusub.

Xubnaha uu Xassan Sheekh kusoo biirin doono Dowladiisa ayaa waxaa qaarkood wata C/wali Gaas, Axmed Madoobe, Beelaha aqbalay dib ugu laabashada Shirka Jowhar iyo Mas’uuliyiin kale oo isaga ku Siyaasad ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qorshihiisa waxaa sidoo kale kamid ah in wakhtiga ka harsan doorashada uu ku raali galiyo Asxaabtiisa Siyaasadeed kuwaasi oo badi ay ku kala irdhooben Siyaasada iminka taagan.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku guda jira wakhtigiisa ololaha waxa uuna xooga saarayaa sida uu ku kasban lahaa taageero farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News