Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya cabashada ay Madaxda DFS ka muujinayaan falalka gurcan oo Maamulka iyo ciidamada Puntland kula ka cayaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanka ku ah Puntland.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah Mudanayaasha BFS, ayaa kamid ah Mas’uuliyiinta sida aadka ah u dhaliilay dhacdooyinka ka socda Magaalada Gaalkacyo oo ay geysanayaan Ciidamada maamulka Puntland, falkaasi oo uu ku sheegay mid ka baxsan bani’aadanimada.
Waxa uu Xildhibaanku sheegay halkaasi si silac ah loogu dilay laba ruux oo shacab ah, kuwaasi oo aan leys weydin cida dishay xili halkaasi uu ka jiro maamul.
Xildhibaanka waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in kuwa falkaasi geystay ay yihiin kuwo ma naxayaal ah oo aan waxba ka garaneynin dadnimada iyo waxa falkaasi ay diinta ka qabto.
Waxa uu farta ku goday in si gaar ah deegaanada Puntland loogu ugaarsado dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia, taasina ay tahay mid u baahan in waxbadan leyska weydiiyo.
Wuxuu carabka ku dhuftay Xildhibaanku in wiilashaasi inta xubnahooda taranka iyagoo nool laga jaray, dabadeedna gadaal Gaari looga xiray lagu jiid jiiday waqooyiga Gaalkacyo illaa ay ka naf baxaan.
“Bani’aadamku qalad waa gali karaa ee waxaa loo baahan yahay in Maxkamad ay xukunto, ma aha in Askar ama shaqsiyaad caadi ah ay iska xukumaan”
Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa isweydiiyay sharciga dhigaaya in dad rayid ah dad kale inta soo qabsadaan ay iska dilaan , taas oo uu sheegay in jawaabteeda looga fadhiyo maamulka Puntland.
Dhalinyarada dhibaatadaasi lagula kacay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ka soo jeeday Koonfurta Somalia islamarkaana shaqada baalasheynta kobaha ka hayay Magaalada Gaalkacyo.
Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan deegaanada Puntland siyaabo kala duwan loogu dilay dhalinyaro la sheegay inay kasoo jeedan Koonfurta Somalia, mana jirto cid si gaar ah arrintaasi uga dhiidhisay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

