Xil ka qaadistii Ilka Xanaf iyo xiisad siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shalay ahayd uu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sameeyay xil ka qaadis guddoomiyihii maxkamadda sare ee JFS Caydiid Ilka Xanaf, ayaa waxaa aay dhalisay dooda badan oo ku saabsan qaabka loo maray xil ka qaadista Ilka Xanaf.

Waxaan fursad u helay in aan wax ka weydiiyo xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlabaanka JFS bal in aay ii sharxaan qaladaadka iyo in jidka loo maray xil ka qaadista uu yahay sharci iyo sharci darro

Xildhibaanada ayaa si guud ugu sheegay Caasimada Online in aanan loo maarin qaabka uu qabo dastuurka JFS xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda Sare. Waxaa aay kulligood dhawaajiyeen in dastuuriyan uusan madaxweynaha xilka ka qaadi karin guddoomiyaha maxkamadda Sare, waxaana aay ii sheegeen in jidka saxda ah uu yahay

“In guddiga garsoorka aay u soo gudbiyaan go’aanka xil ka qaadista xukuumadda JFS, Wasiirka Cadaaladda, marka aay ka doodaan golaha wasiiradana aay u soo gudbiyaan guddoonka golaha baarlabaanka, dood kaddibna uu baarlabaanka cod u qaado in xilka laga qaado iyo in loo daayo guddoomiyaha maxkamadda sare”

Xildhibaanada qaar ayaa Caasimada Online u sheegay in falka uu sameeyay madaxweynaha ee ah xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare, iyo magacaabidda guddoomiye cusub aay tahay awood ku tagri fal iyo jebin qodob dastuuri ah.

Xildhibaanada qaar ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in lama huraan aay noqon doonta in madaxweynaha lala xisaabtamo waayo bey yiraahdeen ma aha wax loo adkeysan karo in madaxweynaha uu caado ka dhigto burburinta dastuurka.

Xildhibaanada qaarna waxaa aay eedda oo dhan dusha ka saareen guddoomiyaha baarlabaanka kaasoo aay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi aad daciif u ah oo weli aaminsan in kali talis uu dalka madaxweyne ka yahay. Waa in isaga lala xisaabtamo oo welibana xil ka qaadis lagu sameeyo ayeey sii raacsiiyeen hadalkooda.

Weli lama huba sida uu sii noqon doono jawiga siyaasadeed oo awalba ku jiray qaab gurracan. Waxaana hubaal ah hadda in aan la heli doonin wakhti ku filan in doorasha lagu qabto.

Dadka qaar ayaaba saadilinaya in aay lama huraan noqoto in la qabto doorasho ka hor bisha September ee sanadkan, iyagoo ku asbeeyay taas in lama huraan aay tahay in xil ka qaadis deg-deg ah lagu sameeyo madaxweynaha JFS oo god mugdi ah ku sii ridaya mqaamkii, karaamadii iyo jiritaanka Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com