Xog: Xildhibaan ka tirsan BFS oo xabsi la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka Maamulka Somaliland ayaa jeelka dhigay Xildhibaan ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaanka ayaa lagu xiray Magaalada Borame ee xarunta Gobolka Awdal, waxaana xariga Xildhibaankaasi amray Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleeban Ramaax.

Maxamuud Cali ayaa xaqiijiyay in Ciidamadu ay qabteen Xildhibaanka, waxa uuna intaa ku daray in Maamulka uu Xildhibaanka u gudbin doono Maxkamada.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanka ay qabteen lagu magacaabo Axmed Xuseen, iminkana uu ku jiro xabsiga weyn ee Magaalada Borame.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in deegaan ahaan u kasoo jeedo Deegaanada Maamulka Somaliland, xiliga la qabanaayayna uu halkaasi ku joogay booqasho.

DF Somalia weli kama aysan hadlin xariga Mudanahaasi ka tirsan BF Somalia, waxa uuna xarigiisa imaanayaa iyadoo uu liito xiriirka DF iyo Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com