Nidaamka loo dooran doono MADAXWEYNAHA GAL-MUDUG iyo ku-xigeenkiisa oo la shaaciyay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ay Caasimada Online ka heleyso Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in maanta lagu heshiiyay qaabka ay u dhici laheyd doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug.

Musharaxiinta u tartameysa qabashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa goor dhow khudbado ku aadan waxqabakooda ka horjeediyay Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Murashaxiinta ayaa mid waliba wuxuu xildhibaanada ka codsanayaa inay siyaan codkooda, si uu ugu guulaysto xilka uu u tartamayo, una qabto hawsha uu ballan qaaday.

Sidoo kale, Golaha Baarlamaanka ayaa isku afgartay in doorashada ay u qabsoomi doonto habka loo yaqaano hal dheeriga ama 50+1 waxaana uu Madaxweynaha noqon doonaa Qofka ugu Codka badan.

Baarlammaanka maamulka Galmudug ayaa 4-ta bishan Julay wuxuu magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku dooranayaa madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka, waxaana u tartamaya 12 murashax, kuwaas oo ay madaxweynenimada u tartamayaan:-

1- Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan

2- Cabdikariim Xuseen Guuleed

3- Axmwd Macallin Fiqi

4- Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid)

5- Maxamed Cilmi Afrax

6- Xasan Maxamed Nuur.

Madaxweynenimada maamulka Galmudug ayaa waxaa iyaguna u tartamaya:

1- Maxamed Xaashi Cabdi

2- Xasan Maxamed Warsame

3- Bashiir Diiriye Shariif

4- Cabdullaahi Bashiir Cabdi

5- Cabdullaahi Xaashi Warsame

6- Cabdulqaadir Cabdullaahi Warsame.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com