Warqad caddeyn ah: Gaas oo saxiixay Galmudug inay tahay Galgaduud iyo Mudug dhammeystiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii dhowaa ayaa waxa ay Puntland ku qeylienysay ayna geed dheer iyo mid gaaban u kortay sidii ay uga hortagi lahayd dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Si kastaba, waxaa yaab leh in Caasimada Online ay soo heshay documents caddeynaya in Cabdi Weli Gaas markii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ogolaa in maamulka Galmudug, weliba markaas u gaar ahaa hal beel, uu ka koobnaa Galgaduud Mudug.

Heshiis uu Cabdi Weli Gaas la galay madaxweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin September 11 2011, ayaa waxaa qodobkiisa afaraad ku qornaa in maamulka Galmudug oo ka kooban yahay Galgaduud iyo Mudug oo dhameystiran, uuna sidaas ku saxiixay.

Gaas waqtigaas wax dood ah kama qabin arrintaas, balse markii iminka federaalkii Puntland ay soo hindistay la xumaaday kuna soo koobay laba gobol kaliya, Gaas wuu is-beddelay.

Arrin aan isqaban karin ayey noqotay hadaladda khalafsan ee ka soo baxaya Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo hab dhaqankiisa lagu tilmaamay burburinta Maamulka Puntland.

Xeeldheerayaasha waxeey isweeydiinayaan Wixii uu saxiixay miyuu ka laabtay mise odayga xisaabta uguma jirin xilligaas inuu Madaxweyne ka noqon doono Puntland.

Waxaan rajaynayaa markii ay arkaan heshiiskaan qodobkiisa afaraad dadka reer Puntland, beesha caalamka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya mid ay ku qanci doonaan.

Hoos ka arag heshiiska uu saxiixay Gaas.

Heshiiska DFKM iyo Galmudug 1Heshiiska DFKM iyo Galmudug 2 (1)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com