XOG: Goormee ayuu dhacay, xageese ka dhacay heshiiska Somalia iyo Kenya ka gaareen BADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa 30-kii June baarlamanka dalkaas u sheegtay inay dowladda Soomaaliya kula heshiiyeen in muranka Kenya ay gelisay badda Soomaaliya lagu dhameeyo wada-hadal, ayna dowladda Soomaaliya ka tanaasusho dacwadda ay geysay maxkamadda caalamiga ah ee Hague.

Caasimada Online oo baaritaan ku sammeysay arrintan ayaa xog badan kasoo heshay heshiiska Soomaaliya iyo Kenya ay wada galeen, qaabka uu u dhacay iyo halka lagu gaaray.

Xubno ka tirasan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in heshiiskii ugu horreeyey ee labada dhinac ay isla gaareen 9-kii June 2015. Waxaa heshiiska magaalada New York ku gaaray ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo safiirka Kenya ee QM Macharia Kamau.

Waxaa marka hore qorshaha ahaa in Soomaaliya iyo Kenya ay galaan heshiis dhigaya in dalkii looga adkaado dacwadda maxkamadda uu ku qanco go’aankaas oo aan wax racfaan ah laga qaadan, balse ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa aqbalay in dacwaddaba ay ka laabtaan.

Sida xogta leedahay, Cumar ayaa Kenya u sheegay inay u fududahay in dacawdda ay ka laabtaan, oo aanay cidna ogaaneyn, balse haddii maxkamadda ay go’aan gaarto ay warbaahinta caalamka oo idil baahineyso.

Dib u xusuuso xogtii ay Caasimada Online ay qortay 8-dii June 2015 ee ahayd in ra’iisul wasaare uu si qarsoodi ah u tagay New York si uu heshiiska ula galo Kenya. Halkan ka aqri.

Waxaa taas xigay in heshiis dhameystir ay wada saxiixdeen wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye iyo Amina Maxamed, sida ay Amina u sheegtay baarlamanka Kenya-na ay Soomaaliya ka laabatay dawacadda. Waxaa la rumeysan yahay in ra’iisul wasaare Cumar iyo Hadliye ay lacag badan ku qaateen arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com