Warkii ay DFS kasoo saartay arrinta badda oo si xeeladeysan loogu qiyaamay SHACABKA (Arrin halis ah oo ku jirta) + Maxaa dhacaya 13-ka July?

W/Q Axmed Cali Sheekh
Kala xiriir:
www.facebook.com/alaxmed

Shaki badan ayaa weli ku hareereysan haddii dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay difaacado boobka Kenya ee badda Soomaaliya iyo in kale kadib warbixino is-daba joog ah oo muujiyey shirqool shacabka ka qarsan oo ay DF ku lug leedahay.

Wasaxaafadeedkii ay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya maanta kasoo saartay arrinta badda, ayaa markii ay Caasimada Online taxliilin ku sameysay waxaa usoo baxday in loo qoray si diblomaasiyadeedsan, laguna qiyaamay shacabka.

Ugu horreyn waxaa warka loo dhigay in wasaaradda ay beenisay hadal warbaahinta ay qortay, ayada warsaxaafadeedka la isaga indha tiray in lagu xuso wasiirka arrimaha dibedda Kenya Amina Mohamed. Xaqiiqda ayaa ah in Amina Mohamed ay baarlamanka Kenya u sheegtay inay Somalia iyo Kenya ku heshiiyeen in arrinta lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamadda Hague, sidaa darteed in dowladda Somalia ay ka dhigto wax warbaahinta un iska qortay waa layaab. Maxay dowladda Soomaaliya u beenin weysay hadalka Aamina?, Weli ma mugdi ayaa uga jira in Aamina hadalkaas u sheegtay baarlamanka Kenya, haddii uu kaga jirana maxaysan ula xiriirn safaaradda Soomaaliya ee Kenya, una hubsan. Marka laga soo tago warbaahinta Soomaalida waxaa warkan qoray wabaahinta caalamka oo idil iyo kuwa Kenya.

Qiyaanada kale ee lagu sammeeyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in warsaxaafadeedka loo qoray laba qeyb. Qeyb la rabo in lagu dejiyo shacabka Soomaaliyeed iyo qeyb lagu qancinayo dowladda Kenya, ayna dowladda Soomaaliya ku xaqiijineyso inay diyaar u tahay wada-hadal iyo heshiis la gaaro ka hor maxkamadda.

Qeybta lagu qancinayo shacabka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeedka loogu qoray sidan:-

“Somalia would like to clarify and reiterate its commitment to the legal case and proceedings at the International Court of Justice in The Hague within the framework of the UN Convention on the Law of the Sea (UNCLOS).”

“Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa, inay weli ku adkeysaneyso, ayna ka go’an tahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).”

Waxaase murugo iyo yaab leh in paragraph-ka ugu dambeeya ee warsaaxafadeedka lagu qoray ayna dowladda Soomaaliya ku xaqiijineyso inay diyaar u tahay heshiis ka baxsan maxkamad oo ay la gaarto Kenya, bal si fiican u aqri.

“Somalia believes in transparent and cooperative dialogue with its neighboring states and remains open to suggestions and initiatives towards a complete and satisfactory settlement.”

“Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay.”

Labada paragraph ee kor ku xusan ee English-ka iyo Soomaaliga-ba waa kuwii wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Waxaase yaab leh in tarjumaadda qeybta Soomaaliga looga tagay erey muhiim u ah sharciga kaasi oo ah Settlement. Marka laga hadlayo sharciga ama Law-ga, macnaha Settlement ma ahan xal ee waa sidan:

Settlement: In law, a settlement is a resolution between disputing parties about a legal case, reached either before or after court action begins. Sharci ahaan Settlement waa xal ay dhinacyada ku muransan kiis sharciyeed isla gaaraan ka hor ama kadib go’aanka maxkamadda.

Sidaa darteed, Haddii aan dib ugu laabto qoraalkii wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxay ahayd in shacabka usoo bandhigto tarjumaadda sidan ah:-

“Somalia believes in transparent and cooperative dialogue with its neighboring states and remains open to suggestions and initiatives towards a complete and satisfactory settlement.

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashi ay la yeelato wadamada deriska ah, waxaana ay weli u furan tahay (Diyaar u tahay) soo jeedinnada iyo hindisiyaasha ku wajahan in la gaaro xal ka horreeya maxkamadda (Settlement) oo lagu qanacsan yahay.”

Waxaa meeshan ka cad in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Cabdisalaan Hadliye ay hindistay qiyaano cajiib ah, maadaama ay ogtahay 99% shacabka Soomaaliyeed ay aqrinayaan qeybta Af-Soomaaliga ee heshiiska, sidaas darteedna ay ka reebtay ereygii ugu muhiimsanaa warsaaxafdeedka ee Settlement. Waxaa sidoo kale cad in maadaama caalamka iyo Kenya ay aqrisinayaan qeybta English-ka in loogu qoro si ay raali ka noqonayaan. Waxaa marka loo fasiran karaa inuu jiro heshiis u dhaxeeya Kenya iyo Somalia, balse maadaama shacabka Soomaalida kaceen in dowladdu ku qasbanaatay inay jawaab bixiso, balse si farsameysan ay u jawaabtay.

Marka laga soo tago farsamada ay dowladda ku sameysay tarjumaadda hadalka, waxaa sidoo kale is-weydiin mudan baahida keentay gebi ahaanba hadalkaas in lagu soo daro warsaaxafadeedka. Maxaysan dowladda ugu adkeysan kaliya inay ka go’an tahay in arrinta maxkamad lagu dhammeeyo, kuna xirin hadalka meeshaas?

Maxay tahay sababta ay dowladda marna u leedahay waxaan ku adkeysaneynaa in maxkamad lagu dhammeeyo arrinta, haddana ay mar kale u leedahay wada-hadal iyo in ka hor maxkamadda xal la gaaro ayaan ogol-nahay?

Si kastaba, Caasimada Online waxa ay jeceshahay inay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiso inay si cad oo aan shaki ku jirin ku ogaan karaan xaqiiqda dhabta ah ee waxa ay dowladda Soomaaliya damacsan tahay, marka la gaaro 13-kii July ee 2015.

13-ka July waa xilliga uu madaxweynaha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague uu u qabtay dowladda Somalia inay kusoo gudbisato doodad kiiskeeda, ama waxa sharciga caalamiga ah lagu yiraahdo Memorial. Haddii aysan dowladda Soomaaliya ku gudbisan waqtigaas, waxaa caddaaneysa inay shacabka been u sheegeysay oo Kenya ay sidaas ku xalaaleysan doonto baddeena.

badda somalia

13-ka July (Qof walba oo Soomaali ah meel ku qoro taariikhdaas), waxaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa inay shacabka usoo bandhigto caddeyn muujineysa inay gudbisay memorial-kii Soomaaliya, haddii la waayana Soomaaliya Allaa u maqan.

Hoos ka arag warqadda maxkamadda caalamiga ah ICJ ay Somalia uga dalbatay inay 13-ka July 2015 kusoo gudbiso Memorial-keeda.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/icj-icj.pdf”]

W/Q Axmed Cali Sheekh
Kala xiriir www.facebook.com/alaxmed