Xog: Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo loo yeeray iyo wararkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada

Baydhaba (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in amar ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen la gaarsiiyay baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo ahaa in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan Baydhabo.

Dadka aan la hadalnay oo ay ku jiraan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in lagu wargeliyay in ay deg deg ku soo laabtaan Baydhabo si loo qabto kulamada baarlamaanka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in ay suurtagal tahay in xubnahaan ay billaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS xili ay dood wali ka taagan tahay doorashada Soomaaliya.

Cabdicasiis Xasan Maxamed waxaa la sheegaa inuu yahay shaqsiga keliya ee si dhab ah u taageersan islamarkaana dartiis go’aano badan u qaadan kara Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba arrintan ayaa imaneysa ayada oo wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan uu dhowaan sheegay in Laftagareen uu wado dadaallo uu isugu keenayo dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.