Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta ka dhacay kulan ay yeesheen xildhibaanno ka soo horjeeda ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya , kuwaasoo u ololeenaya in uu meel maro mooshin yaalla baarlamaanka.
Kulanka oo ka dhacay mid ka mid hotelada Muqdish, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno kor u dhaafaya 100, waxaana dhammaantood ay ka sinnaayeen siddii uu meel mari lahaa mooshinka ka dhanka raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.
Xildhibaannadan ayaa ku adkeesanaya in uu meel mari doono mooshinka lagu wareejiyay guddoonka baarlamaanka kaasoo maalinta berri laga dooddi doono.
Xildhibaannadan ayaa waxa ay yihiin kuwa taageersan Madaxweynaha, waxaana ay doonayaan in uu u hirgallo qorshaha ay wataan.
Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo ballaaran oo ay lee yihiin xildhibaannada kala taageersan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.
Maalinta barri ayaa la filayaa in cod loo qaado mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, in kastoo golaha wasiiradda ay shaley ku baaqeen in dib loo dhiggo mooshinkaas fursadna la siiyo xukuumadda ilaa inta ay ka soo bandhigeyso waxyaabaha u qabsoomay muddada sannadka ay jirtay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho