Xog: Xiriir dhex mari lahaa DF & Fethullah Gulen oo la fashiliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo xubno ka howlgala Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in diblumaasiyiinta Safaarada ay fashiliyeen xiriir dhexmari lahaa dowlada Somalia iyo wadaadka hantiilaha ah ee lagu magacaabo Fethullah Gulen ee ku eedeysan inuu ka danbeeyay Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Diblumaasiyiinta Safaarada oo kaashanaaya Sirdoonka dowlada Turkiga ayaa dhexda ka jaray xiriirkaasi waxa ayna sheegen in dib usoo kabashada xiriirka dowlada Somalia iyo Fethullah Gulen ay ka shaqeynayeen siyaasiyiin Somalia iyo kuwo reer galbeed ah.

Diblumaasiyiintaani oo horay u qabay shakiga ayaa fashilinta xiriirkaasi la kaashaday Madaxtooyada Turkiga oo arrintaasi kala xaajootay Madaxtooyada Somalia.

Fethullah Gulen oo ah Hantiile miisaan ku dhex leh dalka Turkiga iyo Mareykanka ayaa rajo ka qabay in dib loo soo celsho Hay’adda Nile Academy oo magac kale isticmaaleysa balse waxaa arrintaasi fashilisay Safaarada Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay jarto dhammaan xiriirada ganacsi ee Fethullah Gulen kala dhexeeya caalamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay “in lacag kasta oo gasha kooxda Gulen ee Feto ay ka dhigan tahay xabad lagu soo riday qaranka.

Dhanka kale, Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Somalia, Olgan Bekar, ayaan wali ka hadal fashilka ku imaaday xiriirka dhexmari lahaa dowlada Somalia iyo Fethullah Gulen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com