Dhageyso: GAAS oo shaaciyey arrin kusoo korortay doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay shabakada Caasimada Online qortay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu wado qorsho lagu dib dhigaayo doorashada dalka, ayaa waxaa arrintaasi si rasmi ah uga xogwaramay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/wali Gaas oo u waramaayay Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

C/wali Gaas oo arrinta doorashada wax laga weydiinaayay ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashadii Madaxda Soomaaliya iyo Hay’adaha dawliga ah ugu yaraan laba bilood oo kale.

Gaas waxa uu sheegay inaanu jirin qorsho rasmi ah oo ku aadan doorashada dalka balse ay macquul tahay in doorashada dalka ay ka dib dhici doonto xiligii horay loogu heshiiyay.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in doorashada Somalia ay u baahan tahay in lagu daro wakhti dheeri ah, waxa uuna dhankiisa ka qiray in ugu yaraan loo baahnaan doono laba bil ilaa Seddex bil oo dheeri ah si loo soo dhameystiro howlaha ka harsan doorashada dalka.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in waxyaabaha laga hadlay ay kamid tahay howlaha la xiriira amniga goobaha doorashooyinka, balse waxa uu sheegay in ahmiyada ugu weyn xiligaani ay tahay in xal rasmi ah laga gaaro qaabka doorashada.

Waxa uu sheegay in fadhigaani uu yahay kii ugu danbeeyay oo ay wada yeeshaan madaxda dalka iyo kuwa heer Gobolleed, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin wax shaki ah oo ka dhextaagan madaxda.

Mar wax laga weydiiyay dhismaha maamulka loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, ayaa waxa uu sheegay in dadaalka dhismaha maamulkaasi uu yahay mid socda waxa uuna tilmaamay in ugu yaraan lagu soo gabagabeyn doono labada bil ee diyaargarowga doorashada socdo.

Docda kale, Gaas waxa uu rajo ka muujiyay qaabka ay howsha u socto waxa uuna cadeeyay in shirka socda kama danbeys uu soo dhammaan doono ilaa maalinta Axada ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga Gaas

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/08/3e807d60-5c36-4e0f-9123-daf174f2bb7f.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com