Xog: Saraakiil Mareykan ah oo maanta lagu arkay GAALKACYO

Muqdisho (Caasimada online) – Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamo American ah oo aan badneyn in lagu arkay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ka tirsan ciidamada Mareykanka ee lagu arkay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka dambeysay markii ciidamo Kumaandoos ah la sheegay ineyla wareegeen amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Ku dhawaad shan ila lix sarkaal ayaa la sheegay in labadii habeen ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la ogeyn ujeedada arintaasi ka dambeysa.

Saraakiisha ciidamada qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiishan ay ka tageen magaalada Muqdisho ayna tageen magaalada Gaalkacyo.

Mareykanka ayaa saldhig weyn oo ciidamadiisa deegn yihiin wuxuu ku leeyahay deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana marar badan ciidamadaasi ay ka qeyb qaateen tababarka ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Saraakiil kale oo American ah ayaa sidoo kale tababar siiyo ciidamada sida gaarka u tababaran ee Alpha Group loo yaqaan waxayna degen yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com