Xog: Dhaqaale intee la’eg ayaa ku baxaya dhismaha labada aqal

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Somalia ay ku qeyla dhaamineyso dhaqaale yari ka heysata dhanka howlaha doorashooyinka ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dhaqaalaha ugu badan lagu bixin doono soo xulista labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo dhaqaalahaasi wax laga weydiiyay ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in mudada ay socto xulista labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ay ku bixi doonto lacag dhan 16 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi uusan ku jirin amniga iyo wixii la halmaala, balse ay tahay mid ku eg xulista.

Waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi ay ku bixi doonto 14-ka kun Ergooyin ee kasoo qeybgali doona Barnaamijka xulista, waxa uuna cadeeyay inay ku jiraan dad kala duwan oo doonaaya inay kamid noqdaan xubnaha lasoo xuli doono.

Gaas waxa uu intaa ku daray in dhaqaalahaasi ay iska kaashan doonaan dowlada Somalia, Maamul Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka oo garab ka geysan doonta.

C/wali Gaas waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia iyo Maamulada dalka ay muujin doonaan isku tashi waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay mar waliba ku taagnaato yabooha kaga imaanaya caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, Gaas ayaa amaan ka muujiyay qaabka uu iminka u socdo shirka waxa uuna muujiyay rajo ku aadan in laga soo saari doono go’aan mideysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com