Wasiir ka tirsan DFS oo hantidii qaranka ka dhigay mid u gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay soo badaneyso eedeymaha loo jeedinaayo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Somalia, ayaa waxaa soo baxaaya eedeymo hor leh oo muujineysa in Wasiir Maareeye uu is laheysiinaayo codbaahiyaha Qaran Somalia.

Xasan Cilmi Barqadle oo horay u ahaan jiray Qasnajigii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maareeye uu is hortaagay in fariin uu ka gudbiyo Idaacada dowlada Somalia, isaga oo aan ujeedkiisu aheyn inuu wax dhaliilo ama uu aflagaadeeyo.

Xasan Cilmi Barqadle, waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay in Idaacada Qaranka uu milkiyo shaqsi noocaasi ah, waxa uuna talaabadaasi ku sheegay mid aan laga fiirsan dhibta ay yeelan doonto.

Waxa uu sheegay in ujeedkiisa uu ahaa keliya in Madaxda dowlada uu Idaacada u mariyo boob lagu hayo gurayaha Shaqaalihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia oo Dowladdu ay amartay in ay ka baxaan, hayeeshee uu Maareeye diiday in codkiisa laga sii daayo Idaacada.

Xasan Cilmi Barqadle, waxa uu sheegay in sababta looga hor istaagay Idaacada ay tahay in Maareeye lala soo sameeyay xiriir si uu u hor istaago cabashadiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Boobka lagu hayo uu yahay mid laga leeyahay dano gaar ah.

Xasan Cilmi Barqadle, ayaa madaxda ugu sareysa dowlada ugu baaqay in la dhowro sharciga islamarkaana arrintaani ay la kaashato dadka aqoonta u leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com