Sawirro: Xasan Sh. oo isaga dhex qoslaya shirka Addis ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeybgalay Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee IGAD.

Shirka ayaa waxaa qeyb ka ah inta badan Madaxda qaarada Africa kuwooda ugu dhaqdhaqaaqa badan, waxaana diirada lagu saarayaa arrimaha Somalia iyo South Sudan.

Shirka oo soconaya muddo hal maalin ah waxaa looga hadlaya xaaladda Somalia iyo Koonfurta Suudaan iyo xiisadda ka taagan iyo qodobo kale oo ay ka mid tahay doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeediyay warbixinta Soomaaliya iyo dadaalka dowladiisu ugu jirto inay doorasho ka dhacdo aakhirka sanadkan.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in masuuliyad weyn ay ka saran taha dhammaan madaxda gobolka gaar ahaan dalalka IGAD in si dhab ah wax looga qabto xaaladda ka jirta waddanka South Sudan.

Ajendaha ugu weyn ee shirka ayaa ah in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda ka dhallatay siyaasadda ee ka taagan South Sudan, iyadoo shirku ay joogaan wakiillo ka socda dhinacyada is haya, sidoo kale madaxda IGAD, ayaa ka hadlaya ammaanka gobolka.

Sawirada laga soo qaaday shirka ayaa waxaa ka dhexmuuqda Madaxweyne Xassan Sheekh oo isaga dhex qoslaaya shirka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Shirka_IGAD3 (1)

Shirka_IGAD

Shirka_IGAD1

Shirka_IGAD2

Shirka_IGAD3

Shirka_IGAD4