Guuleed & Axmed Madoobe oo ay ka tafan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmahaani danbe mugdi sii galaaya xiriirkii yaraa ee ka dhexeeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, kadib markii ay ku kala tageen colaada ka taagan gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xusein Gulleed ayaa dhaliilo kala dul dhacay Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, isaga oo u sababeeyay garabsiinta Putland xili gogosha loo keenay inuu dhex dhexaad ka ahaado Colaada labada maamul ka dhextaagan.

C/kariin Gulleed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan Colaada la kaashaneynin cid gaar ah, balse ay iminka u muuqato in Madaxweynaha Jubbaland uu dhinac ka yahay colaada taagan.

Gulleed ayaa shirarka ka socda Gaalkacyo ka dhex sheegay inay mudan tahay in xalinta Colaada loo wada sinaado, waxa uuna si dadban farta ugu goday in Axmed Madoobe looga baahan yahay inuu ka dhabeeyo daacad nimadii uu uga soo qebgalay wafdiga loo soo xulay inay xaliyaan xaalada cakiran.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isna sheegay in aragti ahaantiisa ay u muuqato in Galmudug ay awood ku raadineyso qabsashada dhulka Puntland, waxa uuna tilmaamay in DFS looga baahan yahay inay il gaar ah ku eegto dhulka uu khilaafka ka dhashay.

Axmed Madoobe, ayaa xiligaani u janjeera dhanka Puntland, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in iminka uu diyaarinaayo Ciidamo la geynaayo Gaalkacyo si ay uga barbar dagaalamaan Ciidamada Puntland.

Kala aragti duwanaanshiyaha Galmudug iyo Jubba ayaa sii ololinkarta xaalada cakiran ee iminka ka dhexeysa Puntland iyo Maamulka C/kariin Gulleed.

Dhanka kale, DFS ayaa garwaaqsan in Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ay ka caga jiidayaan xal u helida Colaada, halka Galmudugna ay u jeedinayaan amaan, kadib soo dhaweyn talaabo waliba oo lagu xalinkaro xaalada lagu jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com