Xog: Xiriirka Xasan Sheekh iyo Beesha Xawaadle oo meel xun gaaray, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in xiriirka Madaxweyne Xassan iyo Beesha Xawaadle uu gaaray meel xun kadib markii siyaasad qar ka tuur ah lala dheelay aggaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe.

Odayaasha Beesha Xawaadle, ayaa la soo warinayaa inay muddo Seddex maalin ay ku laa-laabanayaan Xarunta Madaxtooyada Somalia, iyagoona la sheegay inay ka duulayaan go’aanka xil ka qaadista Aggaasimaha Nabadsugida ee kasoo baxday Madaxweyne Xasan.

Sida xubno ku dhow madaxweynaha ay u sheegeen CaasimadaOnline, Kullamo dhex maray Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, waxaana la soo sheegayaa in Odayaasha ay aad uga caroodeen xilka laga qaaday Sambaloolshe.

Sambaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in xil ka qaadistiisa ay ugu wacneyd khilaafka ka dhex oogan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaae Cabdi Weli.

Dhinaca kale, waxaa sidoo kale jira khilaaf kale oo ku saabsan dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, oo ay Xasan Sheekh iyo Beesha Xawaadle isku maan-dhaafsan yihiin qaabka loo wajahayo.

Si kastaba, Warar kale xog kale ayaa ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh uu damacsan yahay inuu C/llahi Sambaloolshe uu ku qanciyo Xil kale oo ka duwan xilalka khuseeya ammaanka, waxaana hada socda dadaalka xilkaasi loogu dhiibi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com