Puntland oo u diiday Qaybdiid inuu ka soo dago Gaalkacyo iyo xiisad taagan

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Diyaarad ka soo qaadi lahayd magaalada Muqdisho madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa amar lugu siiyey inaysan soo caga dhigan karin magaalada Gaalkacyo.

Ilo xog-ogaal ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) uu ka baaqsaday diyaarad uu ka soo raaci lahaa Muqdisho oo uu ka soo dagi lahaa garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Puntland ayaa sheegay in Cabdi Qaybdiid lagu amray inusan ka soo dagin Gaalkacyo taas oo la sheegay inay ka danbaysay kaddib markii Jen. Qaybdiid uu isku dayay in Qaramada Midoobay ay u ogolaato inuu ka dago garoon macmal ah oo dhawaan Galmudug ay ka dhistay koonfurta Gaalkacyo iyo xiriir dhex maray Gaas iyo Jen. Qaybdiid.

“Waxaan idin xaqiijin kara Jen. Qaybdiid inuu isku dayay in Qaramada Midoobay uu ka dhamaysto in loo sharciyeeyo garoon macmal ah oo ku yaal koonfurta Gaalkacyo arrintaasna QM ay ka diidday, kaddibna uu isku dayay in madaxweynaha Puntland, Gaas uu ku qanciyo in loo fasaxo in diyaaradaha ka diiwaan gashan Puntland inay garoonkaas macmalkaa ka dajiyaan balse madaxweyne Gaas arintaas waxuu ku gacan sayray” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Puntland.

Mas’uulkan ka tirsan Puntland oo ka hadlay sababta ka danbaysay in madaxweynaha Galmudug uu ka soo dagi waayo Gaalkacyo, waxuu sheegay in ujeedka uu Qaybdiid u dalbaday inuu garoonkaas macmalkaa ka dago ay tahay in loo sharciyeeyo.

Sarkaalkan ayaa hadalka intaas ku daray in Jen. Qaybdiid uu ku hanjabay inuusan shaqayn doonin garoonka C/laahi Yuusuf haddaan loo ogolaan inuu ka dago garoonka uu isagu samaystay ee macmalkaa.

Xiriirro kala duwan oo aynu la samaynay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in arintan aysan warar dhamaystiran ka hayn balse magaalada Muqdisho oo uu hadda ku sugan yahay Gen. Qaybdiid si weyn looga hadal hayo.

Arrintan waxaa ay ku soo aadaysa xilli muddooyinkii danbe uu jiray khilaf u dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug kaas oo salka ku haya dhismaha maamulka la sheegay Mudug iyo Galgaduud inay noqon doonan.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay jawaab uga bixiyey hadal ay Puntland ka carootay oo ka yeeray madaxweynaha Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@livecom