AXMED Madoobe oo tallaabo yaab leh ka qaaday odayaashii ka baxay shirka

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Xuseen oo kamid ah Odayaasha Jubbooyinka, ayaa inoo xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu faray Ciidamadiisa inay soo Uruuriyaan Odayaasha ka baxay shirkii Kismaayo ka socday.

Waxa uu sheegay in dhowr Odayaal ay xiligaani u xiran yihiin Axmed Madoobe kuwaasi oo uu sheegay in lagu eedeeyay ka bixitaanka ay shirka isaga baxeen.

‘’Adeerow Axmed Madoobe waxa uu faro kulul ku hayaa Odayaashii ka baxay shirka, waxa uu Ciidamadiisa ku amray inay xaafadaha iyo goobaha lagu qaxweeyo kasoo Uruuriyaan Odayaasha shirka kabaxay, aniga ayaa kamid ahaa waxaa leygu garaacay qoray caaradiisa, waxaana leygu amray inaan kala doorto dil iyo xabsi, waxaa nalagu hayaa arrin aan diin iyo dadnimaba aan u wanaagsaneyn, waayo anaga ayaa xor u ah ka qeybgalka shirka maahan in nalagu qasbo’’ Sidaa waxaa yiri Axmed Xuseen.

Axmed Xuseen ayaa intaa hadalkiisa raaciyay ‘’Socon-meyso isoo raac ama wan ku dilaa, taasi waxaa Jawaabteeda laga sugaa Axmed Madoobe’’
Haddalka Axmed Xuseen, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo dhawaan ay shirka Kismaayo isaga baxeen tiro badan oo Odayaal ah kuwaasi oo tilmaamay inaysan ku qancin qaabka uu shirka ku furmay.

Axmed Xuseen waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in Maleeshiyada Axmed Madoobe aysan ka aadi karin goobaha lagu cibaadeysto cabsi ay ka qabaan in la dilo awgeed.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com