MUQDISHO oo qarax ku waabariisatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la Ogyahay Laba ruux ayaa ku dhawacantay Qaraxa Xoogan oo Saaka ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Agagaarka Isbitaalka Xoogga.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid ka dhashay Miino lagu xiray mid kamid ah Baalayaasha cad-ceeda ku shaqeeya ee  dhawaan lagu xiray wadadaasi.

Goobjooge, ayaa inoo xaqiijiyay in xiliga qaraxa uu dhacaayay ay wadadaasi aheyd mid zamad badan, islamarkaana ay isticmaalayeen gaadiidka shacabka iyo dad caadi ah.

Ma aha Qaraxii ugu horeeyay oo lagu xiro Baala-yaasha Cad-ceeda ee halkaasi ku yaalla, mana jirto cid weli ka hadashay Qaraxaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com