Dhageyso: Gen. Qeybdiid oo ka hadlay xannibaadda ay kusoo rogtay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay shalay qortay Caasimada Online, maamulka Puntland ayaa u diiday madaxweynaha Gal-Mudug, General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid inuu kasoo dego garoon ku yaallo magaalada Gaalkacyo.

Qeybdiid, oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in warqad cabasho ah ay u direen Madaxda dowladda federaalka iyo bulshada caalamka, taas oo ay kaga cabanayaan xayiraad uu sheegay in dowlad goboleedka Puntland ku soo rogtay garoon dhawaan laga furay Koofurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Cabdi Qeybdiid, waxa uu sheegay in ay ka codsadeen dowladda in ay jawaab ka siiso xayiraadaasi muddo sadax cisho ah ah saaran, uuna ugu xaniban yahay magaalada Muqdisho.

Sida Qeybdiid hadalkau dhigay, Puntland ma hor-istaagin mana hor-istaagi karto in garoonka Gal-Mudug ay kasoo degaan diyaarado, balse waxa uu sheegay inay diyaaradihii ka dagi lahaa garoonka cusub ee Koonfurta Gaalkacyo ugu hajnabeen inay shatiga kala noqonayaan, oo aysan kadoo dagi karin garoonka Cabdullahi Yuusuf, sidaa darteed buu yiri Qeybdiid “Diyaaradahii ayaa ayaga oo daneynaya suuqa iyo macaamiisha ay ku lee yihiin dhinaca Puntland ay qaateen amarka Puntland”

Jen. Qeybdiid ayaa sheegay hadii ay wax jawaab ah aaney helin in shacabka Galmudug ay qaadan doonaan go’aan ah in ayan aqbalin in labo garoon oo hal magaalo kuwada yaalla mid uu shaqeeyo midna uu xirnaado.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cabdi Qeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com