Xog: Barre Hiiraale oo dib u laabanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Saraakiisha la shaqeysa Col. Barre Hiiraale, ayaa inoo xaqiijiyay in Barre uu damacsan yahay inuu dib ugu laabto Deegaanka  Goobweyn oo ay ku sugnaayen isaga Ciidamadiisa.

Sargaalka ayaa tilmaamay in Barre uu aaminsan yahay in Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka ay u cadaadinayaan Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe, hase yeeshee uu dib ula laabtay go’aanadii ahaa inuu Axmed Madoobe la midoobayo.

Sarkaalka waxa uu yiri “Barre Hiiraale waxaa har iyo habeen lagu cadaadinayaa inuu hoos tago ama uu u jilicsanaado Axmed Madoobe, isagana arrintaasi ayuu  kasoo horjeeda, hadda waxa uu leeyahay waan ka laabtay go’aankii heshiiska ahaa, wuxuuna jecleestay inuu dib ugu laabto Goobweyn”.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Barre uu xiligaani diyaar u yahay inuu dib ugu laabto Kismaayo, islamarkaana halkaasi kasii wado Dagaaladii iyo Colaadihii kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, taasi oo dhibaato badan u keeni karta Bulshada ku nool deegaanada Jubbooyinka, oo iyagu ehel u noqday Colaado aan dhamaad laheyn

Haddalkaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo dhawaan uu Col. Barre Hiiraale ku gacan-seyray go’aano kasoo baxay DFS iyo Maamulka KMG Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com