Dhageyso: Wasiir Beyle oo dad badan ka yaabiyay kadib markuu sameeyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo lagu garto wax yaabo gaar ah oo ku nool adduunyada ayaa haddana awood u yeesha in ay qabtaan howlo kale, dadkaas ayaa waxaa ka mid ah madaxweynayaasha, wariyaasha, fannaaniinta iyo qeybaha kala duwan bulshadda.

Dadkaas waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo sameeyay heeso badan oo wadani ah.

Heesahaas waxaa ka mid ah Ceelasha Biya, waa hees uu ku cabiraayay markii dad badan oo barakacayaal ah ay u qaxeen deeganka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in heestaas uu uga hadlay dhibka la soo daristay dadkii halkaas ku barakacay.

Waxaa kaloo heesaha uu sameeyay ka mid ah, Soomaaliya waa Mashruuc, wuxuu heestan uga hadlay sida caalamku u doonayaan in ay ka faa’ideestaan wax yaabaha uu alle ku maneestay.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya waxaa kaloo uu sameeyay heesta Calanka oo uu uga hadlaayay qiimaha calanka Soomaaliya uu ku fadhiyo iyo isagoo ka hoggaaminaayay Bangiga Africa development oo shir ka dhacay magaalada Liperfield ee dalka Gabon oo ay ku sugnaayeen 53-wasiii uu ka waayay wasiir matalaya calanka Soomaaliya oo goobta surnaa.

Wasiirka ayaa sheegay markii uu ka hadlaayay goobta isagoo ka mid ah Bangiga African Development  in uu aad u qiirooday.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in heesaha wadaniga ah ee uu sameeyay in ay soo baxeen markii hore sannadkii 2006-dii balse uu marwalba jeclaa heesaha Soomaalida.

Mar la weydiiyay Muqdisho markii uu ku soo laabtay iyo wax yaabaha uu dareemay, wuxuu sheegay in Muqdisho ay ugu dambeesay 1987-dii xilligaas oo Muqdisho ay ahayd magaalo aad u qurux badan balse markii uu yimid magaalo ay dagaallo burburiyeen.

Wasiirka ayaa sameeyay heesta Muqdisho oo uga hadlaayay maqaamkii ay lahayd Muqdisho iyo sida ay meesha uga baxday.
Wasiirka ay

Ugu dambeen waxaa su’aalo weydiiyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, agaasimaha Idaacadda Kulmiye,

Abwaan Guure iyo Wariye Cumar Nuur Xabeen Teacher.

Halkan hoose ka dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo Wasiirka lagu wareystay

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com