Xog: Maxaa kala heysta Dam-Jadiid iyo Ra’isul Wasaare C/Weli Sheikh Axmed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareed lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Dam-Jadiid, ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed uu damacsan yahay inuu xil ka qaadis ku sameeyo dhowr Mas’uul oo ka tirsan DF.

Ilo wareedka ayaa sidoo kale, sheegaya in Khilaaf hoose uu xiligaani ka dhex taagan yahay Ra’isulwasaaraha Dalka iyo Wasiiro ka tirsan Dam-Jadiid oo uu  kamid yahay Faarax C/qaadir, taasi oo ka danbeysay kadib markii Kooxdaasi ay isku dayeen inay cadaadin iyo la xisaabtan ay saaraan RW Cabdi weli, taasina ay ku gacan-seyreen.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa la Tilmaamayaa inuu sii xoogeystay goortii uu Ra’isulwasaaraha xilka ka qaaday Aggaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/lahi Sambaloolshe, waxa ayna taasi sii laba jibaartay xurgufta ka dhex taagneyd Xassan iyo C/weli.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isulwasaare C/weli uu Xassan sheikh ku wargaliyay inuu kala qaado nin jecleysiga iyo Qaranka.

Madaxtooyada ayaa waxaa laga dareemayaa xusul duub ay Dam-Jadiid ugu jiraan cunaqabateyn ay ku sameeyaan Ra’isulwasaaraha, iyadoona dhanka kale, taasi ay kasoo horjeedan Xildhibaano iyo wasiiro taageero u hayo C/weli Sheekh Axmed.

Khilaafyada ku xeen-daaban Siyaasada DF, gaar ahaan tan Dam-Jadiid, ayaa xiligaani joogto ka noqotay Villa Somalia, xilli heer gabo gabo ay mareyso Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com