Mooshin la horeeyey BF SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay Wadaan Mooshin ka dhan ah Sharikadda Turkiga ah ee lagu wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho.

Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay warbaahinta Maxaliga ah, ayaa sheegay in gudiga uu aad u dhaliilsan yahay qaabka ay u dhacday kala wareejinta Dekadda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow, ayaa sheegay in wado qaldan loo maray wareejintaasi, waxa uuna ku tilmaamay mid Sharcidaro ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in qaabkii loo maray Shirkadii Shalay lagu wareejiyay Dekadda Magaalada Muqdisho ay tahay mid aan la koontaroolin islamarkaana u muuqaneyso in lala baal-maraayo sharciga,waxaana uu xusay in Shirkadda Turkiga laga leeyay ee Shalay la Wareegtay Maamulka Dekadda ay ka horeeyeen Shirkado kale.

Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka, sidoo kale waxa uu Eedeen ujeediyay Maareeyaha Dekadda Magaalada Muqdisho, iyadoona uu sheegay in Maareeyahay uu diiday in Gudiga Arrimaha Gaadiida Baarlamaanka Soomaaliya ay la Xisaabtamaan oo ay wax ka weydiiyaan Arrimaha Dekadda Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Aabi Aadam oo isna ka mid ah Baarlamaanka, ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo uu kamid yahay Cusmaan Dhuubow, oo ah Gudoomiyaha Gudiga Gaadiidka Baarlamaanka inay wadaan Mooshin ay ku Diidanyihiin in Sharikaddaas ay ka shaqeyso Dekadda Muqdisho.

“Waxaan la yaabnay sida deg-dega ah ee ay Go’aanka ugu gaartay in shaqaale intaas la eg ay shaqada ka joojiso, Hadda ayaa dadkii dalka shaqo la’aan heysataa, hadii intaas ay shaqo la’aan Noqdaan waxaa halis gelaya Nolosha qoysaskooda, sidoo kale waxaa ay Noqon karaan intaas oo shaqo la’aan noqda kuwo Halis geliya Amaanka” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Aabi.

Haddalka Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalinimadii shalay Wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maamulka Dekadda ay wadajir ugu wareejiyeen Shirkad laga leeyhaay Dalka Turkiga,waxaana Durba soo baxay Diidmo arrintaasi ku aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com