Xogta madaxweyne Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo loo gacan geliyay shirkad gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo halis ah oo xogta madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba gacanta u galineysa shirkad gaar loo leeyahay.

Wasaaradda oo u muuqata mid aan ku baraarugsaneyn halista tallaabadan ayaa 22-kii Febraayo ee sanadkaan 2024 waxay soo saartay warqad amar ah oo ku socota shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Amarkaasi ayaa si toos ah ugu socday diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka iyo kuwa ka baxa magaalada Muqdisho ee u baxa waddamada dibadda, ayada oo warqadaasi lagu amrayay inay soo gudbiyaan xogta dadka ay qaadayaan oo gudaha dalka safraya ama dibadda u baxaya.

Xogtaasi ayaa waxaa lagu shubayaa system ay leedahay shirkad lagu magacaabo Horn Link oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo aan asalkooda la ogeyn waxa ay yihiin.

Dadka xogtooda la gudbinayo marka ay dalka ka baxayaan lana sheegayo magaalada ay ku wajahan yihiin, tirada dadka la socda iyo waxa ay yihiin waxaa ku jira madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, xubnaha golaha wasiirrada, guddoonka baarlamaanka iyo madaxda kale ee qaranka.

Sababta oo ah waxa uu amarkan quseeya dhamaan shirkadaha duulimaadka ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo kaliya ee ma ahan mid khuseysa magaalooyinka ama gobollada kale ee dalka.

Waxa uu dhigayaa amarkaan in dhamaan shirkadaha duulimaadyada ay soo gudbiyaan xogta qofka ay qaadayaan ka hor inta aysan garoonka ka bixin, waxaana lagu wareejinayaa shirkadaan gaarka ah ee aan la ogeyn waxa ay tahay laakiin u muuqata shirkad qandaraas la gashay wasaaradda gaadiifka iyo duulista hawada Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka wasaaradaasi.

Arrintaan oo ah mid amni oo aad u weyn ayaa waxay kusoo aadeysa iyada oo xurguf siyaasadeed culus u dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, sababta oo ah wax sahlan ma ahan in dad gaar ah ama shirkad gaar loo leeyahay loo gacan galiyo xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan ama xogta madaxweynihii qaranka, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee Soomaalida marka ay safrayaan, diyaarada ay raacayaan, saacada ay baxayaan iyo tirada dadka la socda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in qof kasta oo dalka ka baxaya ama gudaha dalka u safraya oo tigidh loo jarayo in looga baahan yahay inuu bixiyo lacag sagaal dollar ah, taasi oo sidoo kale ah culeys dhaqaale oo xoog leh, maadaama ay horey u jirtay dhaqaale badan oo la saaray tigidhada oo dadka Soomaaliyeed dhibaato ku aheyd.

Si kastaba, waa laba arrin oo aad u culus, mar waa arrin dhaqaale oo dadka Soomaaliyeed oo dhan saameyn doonta, marka labaadna waa arrin amni in xogta muwaadinka Soomaaliyeed lagu wareejiyo shirkad gaar ah ama loo gacan galiyo iyo sidoo kale xogta madaxda qaranka iyo safaradood ay shirkad gaar ah ogaato.