Xog: Xubno ka tirsan DF oo ku fashilmay inay dekeda ka gudbiyaan daroogo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ganacsatadii dalka keentay tubaakada halista ah ee loo yaqaano Taabuu-ga ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir, waxayna mareen hanaanka xabsi xalaaleynta, iyadoo loo dhaadhiciyey xabiga, si baaritaano dheeraad ah loogu sii sameeyo.

Waxaa soo baxay maanta xogo xasaasi ah oo sheegaya in kiiskaan ay ku lug yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Tayodhorka Soomaaliyeed iyo xubno ka mid ah maamulka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xubnaha kiiskaan u xiran ee maanta su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, kaas oo hey’adda Tayodhowka kala shaqeynayey koontoroolidda alaabaha ku jira kunteenadara laga soo dejiyo dekedda Muqdisho.

Ganacsatada maxkamadda la geeyey ayaa maanta sheegay inay jiraan xubno ka tirsan hey’adda Tayodhowrka oo kula shirkoobay in markii ay dekedda ka soo dejiyaan tubaakada Taabuu-ga ay la fududeyn doonaan sidii looga bixi lahaa dekedda, si loogu iib geeyo gudaha dalka.

Waa markii ugu horeysay oo Tubaako hal kunteenar dhan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa tubaakadaan laga keenay dalka Sweden, waana nooc halis ah oo qofkii caba uu aad ugu sarqaamayo, sida ay noo sheegeen dadka yaqaana, waxaana la qirsan yahay in hadii Muqdisho ay soo geli laheyd Tubaakadaas ay halis ku noqon laheyd bulshada.

Kunteenarka siday Tubaakadaan halista ah ayaa fashilmay oo la qabtay markii is fahmi waa uu soo dhex galay ganacsatadii ka soo dejisay dekedda iyo xubnihii heshiiska la galay ee hey’adda Tayodhowrka, kuwaas oo markii hore balan-qaaday inay ka soo gudbi doonaan dekedda Muqdisho.

Markii ganacsatada keentay kunteenarka Tubaakada ah la su’aalay waxay cadeeyeen inay heysteen balan-qaad buuxa oo ku dhiirigeliyey inay dalka soo geliyaan Taabuugaan halista ah, taasi waxay badisay tuhunka, waxaana lagu celiyey xabsi si baaritaanadu u sii socdaan, loona raadiyo dadka kale ee kiiskaan u lugta leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kunteenarkaas waxaa ku jiray 49 kartoon uu Taabuu ah, waxaana markii ugu horeysay xogtiisa heshay maareeyaha hay’adda Tayodhowrka Soomaaliya, taasi oo cusleysay in xubno ka tirsan hey’adda ay macaamil ka galaan, sidii dekedda looga soo gudbin lahaa Tubaakadaas halista ah.

Hey’adda Tayodhowrka Soomaaliya waxay baartaa Tayada badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa, waxaana saran masuuliyad weyn, dhawaan waxaa garoonka Muqdisho lagu qabtay 7 kunteenar oo Bur dhacay ah, kiiska Burkii dhacay ee la qabtay iyo dadkii dalka soo geliyey ayaa hadda loo gudbiyey maxkamadaha dalka.