Daawo: Xildhibaan DF ka dalbatay xogta darawalkii FARMAAJO ee la waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faadumo Faarax oo golaha shacabka ku metesha qoyska darawalkii Farmaajo oo la sheegay inuu Shabaab u goostay ayaa maanta soo saartay qeylo dhaan cusub, iyadoo farriin u dirtay hey’adaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sahal Maxamed Xirsi oo ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo ayaa la waayey 8 maalmood ka hor, kadib markii uu garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo oo u socday Garowe.

Xildhibaan Faadumo ayaa codsatay in hey’adaha amniga ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan halka uu aaday Sahal, iyadoo sheegay in warka sheegaya inuu Shabaab aaday uu been abuur yahay, isla markaana tuhun ka muujisay in ninkaas uu ku xiran yahay gudaha Muqdisho.

“Sahal Maxamed Xirsi ayaa la dhahaa wiilkaas, maanta ku 8 waa weysanahay, meel kasta ayaan ka raadinay, nabadoonkeyga ayaa dhalay, waxaan ka codsanayaa hey’adaha amniga in ninkaas ay nala raadiyaan,” ayey tiri Xildhibaan Faadumo.

Xildhibaanka oo banaanka xarunta golaha shacabka kula hadashay warbaahinta ayaa la weydiiyey waxa ka jira in ninkaas uu aaday Al-Shabaab, waxayna ku jawaabtay, “Waa been warkaasi, hadii uu halkaas jiro waxaan heli laheyn cadeymo, ee hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in ninkaas Meesha uu jiro ay dabagalaan, meel kasta waxaa ku xiran kaamiro, waa la heli karaa dhaqdhaqaaqiisa, xitaa waxaa la baari karaa wicitaanadii ugu dambeeyey ee uu sameeyey,” ayey tiri.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa mar qura soo baxay warar sheegaya in darawalkii Farmaajo uu aaday Al-Shabaab, isagoo ka degay magaalada Kismaayo, kadibna uga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, balse ma jirto cid soo bandhigtay wax cadeyn ah.

Hadalka Xildhibaan Faadumo oo qoyska ninkaas baarlamaanka ku metesha waxay muujisay tuhun ah in ninkaas Muqdisho uu ku dhex xiran yahay oo gacanta hey’adaha amniga uu ku jiro, maadaama uu la shaqeynayey Farmaajo oo Muqdisho looga kacsan yahay.

Wuxuu watay gaari qaali ah oo xabadu aysan karin, kaasi oo ahaa gaarigii qaaska ahaa ee Farmaajo, wararka aan la xaqiijin waxay sheegayaan in gaarigaas uu gatay Sahal, kadibna uu aaday Al-Shabaab, balse dowladu weli kama aysan hadlin kiiskaan, tuhunka ugu badana wuxuu dul-hoganayaa hey’adaha ammaanka.

Hoos ka daawo