29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Xog: Xubnaha Madasha oo u safray Kenya si ula kulmaan Aaxmed Madoobe ka hor inta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uh ku sugan yahay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnahan oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha u wakiisheen la kulanka Axmed Madoobe ayaa kala ah: Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xubnahan ka socda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii dambe ay kulamo siyaasadeed uga socdeen isaga iyo Axmed Madoobe magaalada Nairobi ee dalka Kenyan

Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in galinka dambe ama ugu dambeyn berri subaxda uu u kicitimi doono magaalada Kismaayo, halkaasi oo si rasmi ah uga furmi doono wada-hadalka kala dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in illaa iyo hadda magaalada Kismaayo loo diiday inay gaaraan ciidankii hordhaca ahaa ee Villa Soomaaliya, kuwaas oo laba diyaaradood looga daad-gureynayay magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxaa wehliya kuwa shisheeye ee howl-galka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Si kastaba, Jubbaland ayaa lasoo warinaya in weli si dhameystiran ugy diyaar garoobin arrimaha socdaalka iyo protocol-ka ciidamada, iyadoo hoggaamiyaha maamulka uu ku maqan yahay dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tegi doona magaalada Kismaayo kadib marka uu halkaasi gaaro Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo la sheegayo in wax walba u xayiran yihiin imaatinkiisa.

Labada Madaxweyne oo muddooyinkii dambe ay ka dhex jirtay xiisad siyaasadeed xooggan oo isku rogtay gacan ka hadal, ayaa haatan la qorsheynayaa in wada-hadallo ka furmaya Kismaayo lagu soo afjaro khilaafkan.

Sida ay sheegeen saraakiil ku sugan Kismaayo, hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ku dhow inuu aqbalo ku dhowaad dhammaan shuruudaha Muqdisho, marka laga reebo tallaabo kasta oo lagu soo gaabinayo muddo xileedkiisa hadda.

Madoobe ayaa ku cadaadinaya Villa Somalia inay soo saarto qoraal rasmi ah oo lagu xaqiijinayo sharciyadda doorashadiisa, taas oo uu u arko mid lama huraan u ah horumarka wada-hadallada.

- Advertisement -

Read more

Local News