Xuseen Xalane oo tagay Ceelbarde iyo BEESHA Ogaaden oo wadda olole ka dhana Shariif Xasan

Ceelbarde (Caasimada Online) – Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beesha Ogaadeen ayaa sii xoojiyay olole ay ka wadaan degaano ka tirsan gobolka Bakool si ay culeys u saaraan maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadib maalin qura markii Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ay Kismaayo isku afgarteeen in dadka labada dhinac ka soo kala jeeda tixgelin uu siiyo maamul kasta.

Waxa ugu danbeeyay Wafdi uu hogaaminaayo wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo maanta tegay degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool, isagoo halkaasi u tegay wadatashi ay la yeeshaan dadka degaanka.

Horey ayaa xildhibaan Xerow waxa uu u sheegay in addexda degmo ee Aato, Yeed iyo CeelBarde ay ka baxeen maamulka Koonfut Galbeed, kadib markii booqdeen degaankaasi.

Xildhibaanada Xildhibaan Maxamed Iidle Xerow iyo Dr. Warfaa ayaa la sheegay inay ka mid yihiin wafdiga Xalane oo aan looga baran siyaasadda qabiileed ee gudaha Soomaaliya.

Qorshaha degaanada beeshani ka degto gobolka Bakool ka socda ayaa ah mid lagu cadaadinayo Shariif Xasan iyo Beesha u badan Koonfur Galbeed oo hore dhinaceeda culeys u saartay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Isha: Goobjooge